
Puntland ayaa saaka la wareegtay xeradii ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland.
Xeradan oo haystay sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Cismaan Diyaano ayaa shalay ogolaaday in uu xerada ku wareejiyo dowladda.
“Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirta gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Booliska.
Dhanka kale ciidamo ka tirsan PSF oo watay ilaa 9 gaari, islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa agagaarka magaalada Qardho ayaa wararku sheegayaan in ay xalay aadeen dhanka maamulka Waqooyi Bari.
Hore waxaa dhanka Galmudug u aaday ciidamo ka tirsan PSF oo ay ku jiraan saraakiishii sare ee ciidamadaas, kuwaas oo hadda ku sugan xarunta ciidamada Danab ee koonfurta Gaalkacyo.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay 48 saacadood gudahood u qabtay in ay dowladda isugu soo dhiibaan ciidamada weli ka tirsan dowladda federaalka ee ku sugan deegaannada Puntland.
PUNTLAND POST