Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo

Puntland ayaa sheegtay in ay magaalada Gaalkacyo ka fulisay howlgal lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan oo khatar ku ahaa amniga deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay warkan, iyada oo intaas lagu daray in howgalku weli socda oo faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono marka uu soo gabagaboobo.

Sida aan wararkii hore ku sheegnay ciidamada Puntland ayaa la wareegay xerada PSF ee ku taalla duleedka beri ee magaalada Gaalkacyo, taas oo saacadihii la soo dhaafay ay ku socotay duqeyn xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay halkaas ku qabteen ciidan ka tirsan PSF iyo hub, waxaana soo gabagaboobay dagaalkii ka socday magaalada Gaalkacyo oo u badnaa madaafiic la isdhaafsanayay.

Dhanka kale hal qof oo shacab ayaa ku dhintay labo kalana waa ku dhaawacmeen hoobiyeyaal saaka ku soo dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale ilaa shan askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku dhaawacmay, halka dhanka PSF aan weli la ogayn khasaaraha gaaray.

PUNTLAND POST