Puntland oo la wareegtay xeradii PSF ee Gaalkacyo

Ciidamada Puntland ayaa goordhaweyd la wareegay xerada PSF ee ku taalla duleedka beri ee magaalada Gaalkacyo, taas oo saacadihii la soo dhaafay ay ku socotay duqeyn xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay halkaas ku qabteen ciidan ka tirsan PSF iyo hub, waxaana soo gabagaboobay dagaalkii ka socday magaalada Gaalkacyo oo u badnaa madaafiic la isdhaafsanayay.

Dhanka kale hal qof oo shacab ayaa ku dhintay labo kalana waa ku dhaawacmeen hoobiyeyaal saaka ku dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale ilaa shan askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku dhaawacmay, kuwaas oo la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Dhanka ciidamada PSF weli lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha soo gaaray, welina ma jirto cid ka hadashay dagaalka Gaalkacyo.

PUNTLAND POST