
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday maamulka Waqooyi Bari in uu shuruud la’aan ku siidaayo maxaabiista Somaliland ee dhowrka sano ku xiran magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa yiri “si kastaba ha u qaraaraato, Waqooyi Bari siidaaya maxaabiista oo idinka ku hormara”.
Dhanka kale maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay in uu aqbalo maamulka Waqooyi Bari, islamarkaana colaadda labada dhinac lagu dhammeeyo wahadahal ay garwadeen ka yihiin odayaasha dhaqanka iyo guddiyada nabadda.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu yimid, xilli dhawaan baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari uu soo saaray qaraar lagu maxkamadeynayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood.
PUNTLAND POST