
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee Muuse Maxamed Guure (Diibeeye) oo xalay geeriyooday.
Marxuum Muuse Diibeeye wuxuu ahaa ganacsade ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, isaga oo door weyn ku lahaa dhismaheedii sanadkii 1998.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in marxuumku ka tagay dhaxal iyo taariikh wanaagsan oo lagu xusuusan doono, isaga oo tacsi u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan shacabka reer Puntland.
PUNTLAND POST