
Waxaa caawa ka socda caasimadda Garoowe dabaal-degyo qeyb ka ah xuska sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Puntland.
Kumanaan shacab ah ayaa si nabad ah isugu soo baxay barxadda ay caanka ku tahay Garoowe, kuwaas oo watay qaarna ku labisnaayeen calanka Puntland.
Berri oo ay taariikhdu tahay 1-da Agoosto 2026 waxaa deegaannada Puntland ka dhici doona dabaal-degyo waaweyn oo lagu xusi doono sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland ee 1998-dii.
PUNTLAND POST