
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda soo gaaro magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.
Ciidamada ilaalada Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.
Safarka Xamse ee Laascaanood oo noqonaya kii saddexaad ayaa la sheegay in uu salka ku hayo arrimaha ciidamada maamulkaas oo Dowladda Federaalka doonayso in ay ka dhigto ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka.
Shalay waxaa magaalada Laascaanood soo gaaray Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya Gen. Khaalid Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
PUNTLAND POST