Abwaan Axmed Cali Cigaal oo geeriyooday

Allaha u naxariisto waxaa maanta dalka Maraykanka ku geeriyooday hobolkii caanka ahaa ee Axmed Cali Cigaal, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Marxuum Axmed Cigaal wuxuu ka mid ahaa haldooradii ugu magaca dheeraa ee doorka muuqda ku lahaa masraxa fanka Soomaalida, isaga oo isku darsaday cod iyo laxan wada jira.

Wuxuu xilligii barisamaadkii ka tirsanaa hobollaadii qaranka ee Waabari, oo ahayd kooxdii ugu caansanayd fanka Soomaalida.

Axmed Cigaal wuxuu fanka Soomaalida soo galay isaga oo yar oo ah arday, xilligaas oo ahayd sanadkii 1967, wuxuuna ku bilaabay riwaayadii la oran jiray (Shabeel Naagood) taasoo uuu alifay Xasan Sheekh Muumin.

Waxaa ugu ku xigtay riwaayadii la oran jiray (Yaxaas Dhagaduub) oo alifay Maxamuud Sangub, waa labadii riwaayadood ee ugu horeeyey ee Axmed Cigaal, waxayna ahaayeen kuwii oo ku soo caan baxay oo ku noqday fanaan caan ka ah Soomaaliya.

Sidoo kale horumarkii weynaa ee dhinaca muusiga uu ka gaaray Axmed waxay ahayd isaga oo asaasay kooxdii loo yiqiinay Somali Jazz oo soo bandhigay heesihii ugu horeeyay oo Soomali ah oo lagu ciyaari karo.

PUNTLAND POST