Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha AFRICOM

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo taageerada Dowladda Mareykanka ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muuqda ka qaadanayo xoojinta awoodda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyo adkaynta amniga, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson ayaa adkeeyey sida ay Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee labada dal.

PUNTLAND POST