
Baarlamaanka ayaa maanta meelmariyay in wax ka baddel lagu sameeyo qodobo ka mid ah Dastuurka Puntland, kaddib soo jeedin ka timid xukuumadda madaxweyne Deni.
Qodobka 79-aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya muddada xil haynta madaxweynaha oo inta badan ay siyaasiyiinta mucaaradka diidanaayeen in wax laga baddelo ayaa sidiisii loo daayay oo aan ku jirin qodobada ay soo gudbisay xukuumadda, sida uu sheegay xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar oo faahfaahin ka bixiyay qodobada wax laga baddelo Dastuurka.
Qodobada wax laga baddelo ayuu ku sheegay 37-aad, 41-aad, 44-aad, 47-aad, 74-aad, 81-aad, 113-aad, 126-aad iyo 90-aad, kuwaas oo inta badan la xiriira doorashooyinka qof & cod, dhaqaalaha rayidka ah iyo waqtiga xilhaynta garsoorka.
In wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland waxaa u codeeyay oo haa ku ogolaatay 41 xildhibaan, wax diiday ma jirin, halka ay ka aamuseen afar mudane, sida lagu sheegay qoraa ka soo baxay baarlamaanka Puntland.
PUNTLAND POST