Mashruuc lagu horumarinayo kaabayaal uu ka mid yahay garoonka Garoowe oo la meelmariyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meelmarisay mashruuc ku kacaya $160 milyan oo doolar oo lagu horumarinayo kaabayaasha muhiim ah ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Baanka Adduunka ayaa lagu horumarin doonaa garoomada diyaaradaha Muqdisho, Garoowe, Hargeysa, Kismaayo, Baydhaba, Jowhar, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Dhoobley, iyada oo laga dhigayo kuwo leh koronto, biyo, dab-demis iyo adeegyo kale oo muhiima.

Sidoo kale mashruucan waxaa lagu dhisi doonaan jid casri ah oo isku xiri doona maamulka Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ah Hargeysa ilaa magaalada xadka ku taalla ee Ina-guuxaa.

Mashruuca oo sannad kasta la kordhin doono ayaa gaari doona ilaa $500 milyan oo doolar, isaga oo socon doona ilaa sanadka 2031.

PUNTLAND POST