
Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Madaxtooyada Puntland ee Gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay xoojinta amniga, nabadda iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, waxaana kulanka ku weheliyay Wasiirka Amniga Galmudug, Aadan Warsame Cilmi. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay masuuliyiin heer Wasiir, heer Gobol iyo heer Degmo.
Masuuliyiinta ayaa si wadajir ah uga hadlay xaaladda amniga Gobolka Mudug iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo nabad ay bulshada labada dhinac ku wada noolaato.
Kulanka kadib, masuuliyiinta ayaa lug ku maray dhinaca kale ee magaalada Gaalkacyo, taas oo muujinaysa muhiimadda ay labada dhinac siinayaan wada-shaqeynta, is-dhexgalka bulshada iyo xoojinta nabadda.
Masuuliyiinta ayaa adkeeyey in amniga iyo wadajirka bulshada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar iyo xasillooni, iyagoo tilmaamay in kulamada joogtada ah ee labada dhinac ay door weyn ka qaadanayaan xoojinta kalsoonida iyo iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug.






PUNTLAND POST