40 sano kadib oo saraakiil Soomaaliyeed ka qalinjabisay Ruushka

Dowaladda Soomaaliya ayaa sheegtay in afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska ay shalay ka mid noqdeen saraakiil ka qalinjabisay akadeemiyadda maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha dalka Ruushka, iyaga oo qaatay shahaadada labaad ee Master Degree.

Saraakiishan ayaa la xusay in ay si gaar ah uga qalinjabisay maamulka guud iyo qorshaynta istaraatiijiga ah, taasoo la sheegay in ay ka dhigan guul cilmiyeed oo weyn.

Qalinjebintani waxaa la tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay tii ugu horreysay muddo 40 sano ah oo saraakiil Soomaaliyeed ka soo qalinjabiyaan Ruushka.

PUNTLAND POST