Madaxweyne Deni oo safar u baxay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa maanta galinkii dambe safar aan la shaacin ugu baxay dalka dibadiisa, gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhow la ah Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe ayaa marka hore siimaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo sida wararku sheegayaan uu ka sii aadi doono magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.

Madaxweyne Deni ayaa marar badan safarro aan u jeedadooda la shaacin oo muddo qaatay ku aaday dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka, iyada oo aysan jirin mas’uuliyiin Puntland ah oo ku wehelisay.

Safarka Madaxweyne Deni wuxuu ku soo aaday, xilli ay jirto xiisad amni oo u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka, taas oo ka taagan deegaanno ay ka mid yihiin magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Puntland ayaa shalay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub soo gelisay magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay tilmaantay in lagu khalkhal gelinayo deegaannadeeda.

PUNTLAND POST