Markab qafaalan oo ku soo xirtay xeebaha Eyl

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal waxaa ku soo xirtay markabka Asana, kaas oo jamcihii hore ay koox burcad-badeed ah ka soo qafaalatay xeebaha dalka Yemen.

Deegaanka Maraya ayaa xalay cunto iyo hub looga qaaday kooxda haysata markabka Asana, sida uu qof deegaankaas ku sugan u sheegay warbaahinta Puntland Post.

Markabkan oo ka bananayo calanka Tansaaniya waxaa saaran 20 xubnood oo shaqaale ah, kuwaas oo ay ku jiraan siddeed u dhashay dalka Jarmalka iyo 10 u dhashay Filibiin.

Markabkan waa kii afraad oo muddo saddex bilood gudahood ah gacanta u gala kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, saddex markab oo kale ayaa lagu haystaa xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland, kuwaas oo kooxaha soo qabsaday dalbadeen lacago madaxfurasho.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa qalalaase ka abuuray biyaha ku teedsan xeebaha waddamada Geeska Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 2008 iyo 2018. Kaddib muddo ay hawlahoodu hoos u dhaceen, dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda ayaa markale dib u soo kordhay dabayaaqadii sannadkii 2023-kii.

PUNTLAND POST