Xubno ka mid noqonaya Golaha Sare ee Garsoorka Soomaaliya oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiisa ansixiyay afar xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Sare ee Garsoorka, kuwaas oo ku yimaada magacaabis.

Golaha wasiirradu waxay meelmariyeen labo (2) Qareen Sare iyo labo (2) Xeeldheere Sharci oo uu xilkooduna noqonayo shan (5) sano, ka dib marka ay dhammeystiranto habraaca ansixintooda:

  1. Maxamed-deeq Macalllin Aadan
  2. Maryan Sheekh Cismaan
  3. Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil
  4. Cabdiqaadir Cali Macallin

Xubnahan ayaa ah kuwa keliya ee magacaabis ku imanaya, halka xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay ku imaanayaan xilkooda (Hadba Mas’uulka xilkaas haya uu ka mid noqonayo golahan), waxayna xilalkan kala yihiin:

  1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
  2. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka
  3. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
  4. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Kore ee Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda
  5. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale golaha ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, waxayna xilkaas u magacaabeen Mudane Maxamuud Axmed Jimcaale.

Ugu dambayn Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka Dhaqanka & Farxashanka iyo Heshiis u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Cummaan kaasi oo diirrada saaraya iskaashiga Gaadiidka Cirka. Axdiga Dhallinyarada Afrika kaasi oo awoodda saaraya in dhallinyarada laga qaybgaliyo go’aannada siyaasadda iyo doorka dowladaha ee horumarinta dhallinyarada Afrika.

PUNTLAND POST