Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo ka wada hadlay la-dagaallanka burcad-badeedda

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya Kang Hyung-shik.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada amniga badaha, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo tayeynta ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo ee dhinacyadaas.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal si loo horumariyo amniga, nabadda iyo xasilloonida.

Kulanka waxaa wasiir Fartaag ku weheliyay wasiir ku-xigeenka amniga gudaha, Gen. Sulub Axmed Firin iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Shire. Kulankan wuxuu yimid xilli ay soo laabatay burcad-badeeddii Soomaalida, kuwaas oo hadda afar markab ku haysta xeebaha Puntland.

PUNTLAND POST