
Puntland ayaa markii ugu horreysay war ka soo saartay dagaalkii ay shalay ciidamo ka tirsan PSF kula gashay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso.
War-saxaafadeed ka baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Laag, islamarkaana ay soo afjareen koox lagu tilmaamay in ay muddooyinkii u dambe qalqal-gelin ka waday deegaannada Puntland.
Puntland waxay xustay in ay howlgalkaas ku qabatay gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay weli socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo ciidamadii PSF ee xalay lugta kaga baxay deegaanka Laag.

PUNTLAND POST