Wasiir ka tirsan Jubaland oo geeriyooday

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare eeĀ Jubaland Mukhtaar Kaamil Kuulow.

Wasiir Mukhtaar Kaamil oo muddooyinkii dambe xanuunsaa magaalada Nairobi waxaa geeridiisa xaqiijisay madaxtooyada maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiirka, isaga oo sheegay in uu ahaa mas’uul karti iyo hufnaan ku sifoobay, kana soo shaqeeyay horumarinta waxbarashada iyo u adeegidda shacabka.

PUNTLAND POST