Boosaaso: Heshiis laga gaaray khilaafkii ganacsatada iyo dowladda

Heshiiska iyo is-afgarad ayaa laga gaaray shirkii maalmahan uga socday magalada Bossaso  dowladda, ganacsatada iyo shirkada DP World, sida uu ku dhawaaqay gudoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiiga Puntland Maxamed Cabdi Waaberi.

Guddoomiye Waaberi ayaa tilmaamay in khilaafkii ka dhashay khidmadaha lagu kordhiyay dekedda magaalada Boosaaso ugu dambeyn maanta xal laga gaaray, islamarkaana ay furan yihiin dekedda iyo goobaha ganacsiga Boosaaso.

Wuxuu xusay in hadda kaddib lagu dhaqmi doona tacriif ka soo baxday shirka, taas oo u muuqata in wax laga dhimay khidmadihii lagu kordhiyay dekedda magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST