Puntland oo dib xorriyadiisa u siisay wariye ku xirnaa Boosaaso

Wariye Maxamed Jaamac Maxamuud oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Boosaaso ayaa maanta oo sabti ah dib u helay xorriyadiisa.

Wariye Maxamed Jaamac oo ka hadal qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in uu afartii berri ku xirnaa xarunta Hay’adda Nabad-sugidda ee PISA, islamarkaana uu maanta dib u helay xorriyadiisa.

Wuxuu tilaamay in la qabtay isaga marayay bartamaha magaalada Boosaaso, xilli uu qorsheynayay inuu warbixin ka diyaariyo xirnaanshaha dekedda iyo suuqa Boosaso.

Wariye Maxamed Jamaac wuxuu si weyn ugu mahadceliyay ururka warbaahinta Puntland ee MAP oo kaalin weyn ka qaaday in uu dib u helo xorriyadiisa.

Puntland ayaa sidaan oo kale maalin ka hor xorriyadeeda dib u siisay wariye Suways Gacayte oo Garoowe ku xirnayd muddo ka badan todobaad.

PUNTLAND POST