Wararkii u dambeeyay ee xaaladda Boosaaso

Waxaa maanta dib loo furay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga magaalada Boosaaso oo muddo todobaad ka badan xirnaa, kaddib khidmado cusub oo lagu kordhiyay dekedda.

Sidoo kale waxaa lagu waddaa in ay maanta oo sabti ah kulan yeesheen dowladda iyo ganacsatada, kaas oo la rajaynayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee sababay xirnaanshaha dekedda iyo goobaha ganacsiga Boosaaso.

Xirnaanshaha dekedda iyo ganacsiga magaalada Boosaaso ayaa maalmihii u dambeeyay saameyn ku yeeshay dadka muruqmaalka ah iyo guud ahaan shacab weynaha ku nool deegaannada Puntland, iyada oo ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.

Dekedda iyo ganacsiga Boosaaso ayaa marka laga reebo deegaannada Puntland waxaa kaloo ku xiran gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo ay saameysay xirnaanshahooda.

PUNTLAND POST