Fahiimo Quuje oo u wareegtay Somaliland

Fahiima Yuusuf Quuje oo ka tirsanayd baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegtay in ay u wareegtay maamulka Somaliland, iyada oo iska casishay xilkii ay haysay.

Fahiima Quuje ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku xustay in ay ka tanaasushay aragtidii maamulka Waqooyi Bari iyo Soomaaliweyn, islamarkaana ay dib ugu laabatay Somaliland.

Fahiima Quuje oo door weyn ka qaadatay halgankii Somaliland looga saaray Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe dhaliilo u jeedinaysay maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Firdhiye.

Fahiima Quuje waxay maalin ka hor ka dhooftay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, sida ay ku sheecisay barteeda Facebook-ga.

PUNTLAND POST