Burcadbadeed Soomaali ah oo afduubtay markab

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in koox burcadbadeed Soomaali ah ay maanta oo jimce ah qabsadeen markab shidaal oo marayay xeebaha bari ee dalka Yemen.

War-saxaafadeed ay soo saareen ilaalada xeebaha ee Yemen ayaa lagu sheegay in markab saliidda qaada oo lagu magacaabo ASANA laga afduubtay meel qiyaastii 26 mayl badeed u jirta xeebaha gobolka Hadramout, kaddib markii ay weerar ku qaadeen koox burcadbadeed Soomaali ah.

Ilaalada xeebaha Yemen waxay tilmaameen in markabka lala aaday dhanka xeebaha koonfur bari ee Soomaaliya, islamarkaana ay socdaan dadaallo lagu baadigoobayo. Weli lama shaacin cidda leh markabka, halka uu u socday iyo shaqaalaha saaran.

Markabkan wuxuu noqonayaa kii afraad oo bilo gudahood gacanta u gala kooxaha burcadbadeeda Soomaalida. Xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland ayaa muddo labo bilood ka badan lagu haystaa saddex markab oo kooxaha haysta ay dalbadeen lacago madaxfurasho.

PUNTLAND POST