
Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal waxaa maanta lagu soo bandhigay boqolaal ciidamo ah oo ay sameysteen dadka deegaanka, kuwaas oo la sheegay in ay shaqeyn doonaan amniga iyo ilaalinta deegaanka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ka qaybgalay munaasabaddii lagu soo bandhigay ciidamada ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonqan sidii ay xuquuq uga heli lahaayeen dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.
Munaasabadda waxaa kale oo ka qaybgalay saraakiil caan ah oo xilal sare ka soo qabtay Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) iyo Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse.

Puntland waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayay ciidamo ay beelo sameysteen, kuwaas oo qaarkood ay qarameysay dowladda, halka kuwa kalena ay sheegeen in ay ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya.
Arrintan waxay ku soo aaday xilli ciidamada Puntland, gaar ahaan kuwa daraawiishta ay mararka qaarkood ka cowdaan mushaar la’aan, iyaga oo sameeya gadood ay ku xirtaan waddooyinka.
PUNTLAND POST