Puntland: Taliyihii saldhiga Jariiban oo la dilay

Wararka ka imanaya degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa halkaas lagu dilay taliyihii saldhiga booliska degmadaas Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.

Weli faahfaahin rasmi ah lagama hayo sida uu u dhacay dilka taliyaha iyo cidda ka dambaysay, balse wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in uu toogtay nin hubaysan.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhacdadan ayaa sheegay in taliye Guuleed uu sababsaday gacan ka xaqdaran, isaga oo tacsi u diray ehellada marxuumka, booliska iyo shacabka Puntland.

Taliye Guuleed wuxuu ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo aad looga yaqaanay gobolka Mudug, wuxuuna inta uusan ku biirin Booliska Puntland soo noqday guddoomiyaha dhalinyarada iyo macalinka kooxda kubadda cagta degmada Jariiban.

PUNTLAND POST