Deni: Ma jirto cashuur aan ku kordhinay dekedda Boosaao

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay khidmadaha lagu kordhiyay dekedda magaalada Boosaaso ee ka cabanayso ganacsatada.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in aysan jirin cashuur ay kordhisay dowladda, balse ay jirto khidmado laga qaadayo maraakiibta ku soo xirta janbiyada dekedda oo ay soo kordhisay shirkadda maamusha dekedda.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la bixiyo dhidmadahaas, isaga oo xusay in ay yihiin kuwa todobada sano looga turayay ganacsatada Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu tilmaamay in hadda boqolkiiba boqol aysan xirnayn dekedda Boosaaso oo ay ka dhoofaan xoolaha, uuna ka soo dego shidaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in horumarin lagu sameeyay dekedda Boosaaso, isaga oo tilmaamay in la ballaariyay janbiyada, islamarkaana la qoday kanaalka ay soo maraan maraakiibta iyo doonyaha.

Hoos ka daayo muuqaalka madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST