Spain oo gaartay kama dambaysta tartanka Koobka Adduunka

Xulka dalka Spain ayaa xalay gaaray kama dambaysta tartanka Koobka Adduunka 2026, kaddib markii uu labo iyo waxba kaga adkaaday xulka dalka France.

Ku guuleystihii Koobkii Adduunka 2010 oo ciyaar cajiib ah soo bandhigay, islamarkaana France ka ciyaar wanaagsanaa waxaa goolasha u keenay ciyaaryahanada Mikel Oyarzabal iyo Pedro Porro.

France oo ka mid ahaa xulalka sanadkan loo saadaalinayay Koobka Adduunka ayaa xalay la waayay meel uu ka dhacay, iyada oo ay ku dhacday guuldarro xanuun badan.

Xulka Spain ayaa ciyaart kama dambaysta ah la ciyaari doona midkii soo baxa xulalka England iyo Argentina oo caawa wada ciyaaraya.

Ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka waxaa 19-ka bishan lagu qaban doonaa garoonka MetLife Stadium oo ku yaalla magaalada East Rutherford, gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka.

PUNTLAND POST