
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Amiirka dowladda dalkaas Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo uga tacsiyeeyay geerida ku timid Amiirkii hore Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay la qaybsanayso murugada dowladda Qatar, isaga oo u rajeeyay Amiirka, qoyska boqortooyada iyo shacabka reer Qatar samir iyo iimaan.
Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya tacsida iyo garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor amar ku bixiyay in muddo saddex maalmood ah hoos loo dhigo calanka, kaddib geerida ku timid amiirkii hore ee Qatar.
PUNTLAND POST