
Safiirka Boqortooyada Ingiriiska (UK) ee Soomaaliya Charles King ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).
Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta & tayeynta hay’adaha amniga, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda.
Safiirka oo ay kulanka ku wehelisay marwo Louise Hancock oo ah wakiilka Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan maamulka Somaliland ee dhinacyada kala duwan.
Boqortooyada Ingiriiska waxay ka mid ahayd dalalka caalamka ee ka horyimid go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu ku sheegay in uu ku aqoonsatay maamulka Somaliland.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka daneeya Soomaaliya, iyada oo hadda ka mid ah dalalka dhexdhexaadinaya dowladda federaalka iyo mucaaradka ee isku haya arrimaha doorashooyinka.
PUNTLAND POST