Boosaaso: Dekedda iyo goobaha ganacsiga oo weli xiran

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maalintii afraad xiran goobaha ganacsiga, halka dekedduna xiran tahay maalintii afar iyo tobnaad oo xiriira.

Ganacsatada iyo dowladda ayaa weli wax heshiis ah ka gaarin xirnaanshaha dekedda iyo goobaha ganacsiga Boosaaso, iyada oo dowladdu ay ku adkaysanayso in loo hoggaansamo bixinta khidmadaha cusub ee lagu kordhiyay dekedda.

Maamulka dowladda hoose ee degmada Bosaaso ayaa saaka booqday qaybo ka mid ah suuqa, si ganacsatada loogu qanciyo furista goobahooda ganacsi, balse kuma aysan guulaysan arrintaas.

Xirnaanshaha dekedda iyo ganacsiga magaalada Boosaaso waxay saameyn ku yeelatay dadka muruqmaalka ah iyo guud ahaan shacabka weynaha ku nool deegaannada Puntland, iyada oo ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.

PUNTLAND POST