Puntland: Wariye lagu xiray magaalada Boosaaso

Xukuumadda Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ku xirtay wariye Maxamed Jaamac Maxamuud oo ka mid ahaa wariyayasha ka howlgala gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Wariye Maxamed Jaamac waxaa saaka xilli hore laga soo xiray hoygeeda Boosaaso, halkaas oo la sheegay in ay ugu tageen ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, iyada oo aan la ogayn sababta loo xiray.

Wariye Maxamed Jaamac ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka mid ah wariyeyaasha tabinayay xirnaanshaha dekedda & ganacsiga Boosaaso iyo saameyn ka dhalatay.

Waa wariyihii labaad ee xukuumadda madaxweyne Deni xirto bishan gudaheeda, iyada oo wariye Suways Gacayte ay toban berri ka badan ku xiran tahay magaalada Garoowe.

Suxufiyiinta Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay xariga labada wariye, iyaga oo xukuumadda ka codsaday in ay si degdeg ah u siiso xorriyadooda.

PUNTLAND POST