
Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa ka hadlay sababta uu madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mid noqon waayay Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan inta mucaaradka Soomaaliya, Puntland iyo Jubaland.
Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq oo ka mid ah Nabad iyo Nolol, islamarkaana hoggaaminayay xubnihii maalmo ka kor uga qaybgalay shirkii arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka ay diideen in uu ka mid noqdo Farmaajo.
“Golaha Mustaqbalka ayaa diiday in Farmaajo uu ka mid noqdo, weyna u jeedaan in go’aanadii ay qaateen ay wax tar yeesheen iyo in kale, waa la aqoonsaday lamana inkiri karo madaxweyne hore Farmaajo” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siisay telefishinka Universal.
Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiye madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maalmo ka hor shaaciyay mowqifkooda doorashada ay doonayaan in ay ka dhacdo Soomaaliya.
Kooxda Farmaajo ayaa sheegay in ay doonayaan doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyo ku salaysan, taas oo codaynta iyo diiwaangelintabu hal maalin ka dhacaan guud ahaan dalka.
Mowqifka Nabad iyo Nolol wuxuu ku dhow yahay kan ay doonayso dowladda federaalka ee hoggaamiyo Xasan Sheekh, marka laga reebo in diiwaangelinta iyo doorashadu hal maalin wada dhacaan.
PUNTLAND POST