
Goobaha ganacsiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa xiran maalintii saddexaad, halka dekedduna xiran tahay maalintii saddex iyo tobbaad oo xiriira.
Dowladda iyo ganacsatada ayaa shalay arrintan kulan yeeshay, hase yeeshee wuxuu noqday mid lagu fahmi-waayay oo natiijo la’aan ku dhammaaday.
Ganacsatada waxay diidan yihiin khidmado iyo canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay dekedda magaalada Boosaaso, halka dowladduna sheegtay in ay yihiin kuwa sharci ah oo lagu horumarinayo dekedda, islamarkaana hore looga heshiiyay.
Xirnaanshaha dekedda iyo ganacsiga magaalada Boosaaso waxay saameyn ku yeesheen shacabka ku nool deegaannada Puntland iyo qaar ka mid ah gobollada kale ee Soomaalida, iyada oo ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.
PUNTLAND POST