
Ciidan sheegay in ay ka tirsan yihiin daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa maanta xirtay laamiga dheer, gaar ahaan deegaanka Faluuja ee degmada Carmo halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiid badan oo ay saaran yihiin dad shacab ah oo ku safrayay wadada.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidankan ayaa caddeeyay in ay marar kala duwan xukuumadda madaxweyne Deni ka dalbadeen in ay siiso xuquuq ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin, sidaasi darteedna laamiga u xirteen.
Marar badan ayaa ciidan ka tirsan daraawiishta Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan xirteen wadadada laamiga ah ee xiriirisa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana arrintaas dhib ka soo gaartaa shacabka iyo gaadiidka ku safraya wadada.
PUNTLAND POST