Ganacsiga Boosaaso oo xiran maalintii labaad

Goobaha ganacsiga magaalada Boosaaso ayaa xiran maalintii labaad, halka dekedduna xiran tahay maalintii labo iyo tobbaad oo xiriira.

Dowladda iyo ganacsatada ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Boosaaso, kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan.

Ganacsatada waxay diideen khidmado cusub oo ay soo rogtay shirkadda maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee DP World, halka dowladduna sheegtay in khidmadahaasi sharci yihiin oo lagu horumarinayo dekedda.

Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha dekedda iyo ganacsiga Boosaaso, iyada oo ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.

PUNTLAND POST