Puntland oo ka hadashay khidmadaha cusub ee dekedda Boosaaso

Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khidmadaha cusub ay soo rogtay shirkadda DP World ee sababay xirnaanshaha dekedda iyo goobaha ganacsiga Boosaaso.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in khidmadaha cusub ee la soo rogay yihiin kuwa sharci ah, isaga oo ka codsatay ganacsatada in ay u hoggaansamaan bixintooda.

“Waxaan dhammaan ganacsatada ka codsaneynaa in ay u hoggaansamaan bixinta khidmadaha cusub ee loogu talagalay horumarinta adeegyada dekedda” ayuu yiri wasiir Axmed Yaasiin.

“Sida uu heshiisku ahaa, hirgelinta nidaam sharci ah oo lagu maalgelinayo horumarka dekedda waa lama huraan. In la hor istaago nidaamkaas waxaan u arkaa inay caqabad ku tahay horumarka dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee dowladda,” ayuu raaciyay.

Dekedda Boosaaso ayaa xiran muddo 11 berri ah, kaddib markii ganacsatada wax kala soo dega ka biyo diideen khidmadaha cusub, taas oo sidoo kale sababtay in maaanta albaabada la isugu laabo xarumaha ganacsiga magaalada.

Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha dekedda Boosaaso, iyada oo maalmihii u dambayay ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.

PUNTLAND POST