
Goobaha ganacsiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa saaka oo sabti ah xiran, taas oo ay sababtay dekedda oo xiran maalintii 11-aad.
Ganacsatada ayaa ka biyo diiday khidmad cusub oo ay soo rogtay shirkadda maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee DP World, taas oo keentay in maaanta albaabada la isugu laabo xarumaha ganacsiga.
Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha dekedda Boosaaso, iyada oo maalmihii u dambayay ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni ayaa weli ka hadlin muddada ka badan tobanka berri ee xiran tahay dekedda Boosaaso, taas oo keentay in uu istaago ganacsiga Puntland.








PUNTLAND POST