
Wararka ka imanaya deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal beeleed maanta halkaas ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Dagaalku wuxuu dhexmaray beelaha Fiqishini iyo Dhulbahante/Jaamac Siyaad, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo ay ka qaybgaateen gaadiid dagaal oo ka soo baxay furinta Sarinta ee Guumeys.
Dagaalka ayaa saaka bilowday kaddib markii nin qaadwade ah oo ka soo jeeda beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante lagu dilay deegaanka Adhicadeeye.
Dagaal beeleedkan wuxuu daba socdaa dagaalka dhawaan ka dhacay deegaanka Madax-lagu-xoor, waxaana weli ka hadlin maamulka Waqooyi Bari oo deegaankaas ka arrimiya.
PUNTLAND POST