Dagaal ka dhacay dooxo u dhow Buqdharkayn

Dagaal ayaa maanta ka dhacay dooxada Madax-lagu-xoor oo u dhow deegaanka Buqdharkayn oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Waqooyi Bari iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Fiqishini, wuxuuna salka ku hayaa deegaamayn uu diidan yahay maamulka Waqooyi Bari.

Waxaa la soo warinayaa in dagaalkan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waloow aan weli la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Dooxada Madax-lagu-xoor ayaa hadda xaaladeedu degan tahay, kaddib markii ay la wareegeen ciidamada maamulka Waqooyi Bari, balse waxaa xiisad taas la xiriirta laga soo sheegayaa deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool.

PUNTLAND POST