Dagaal fool xun oo maalintii afraad ka socda Jalalaqsi

Dagaal beeleed fool xun oo sababay dad, guryo iyo duunyo la gubay ayaa maalintii afraad ka socda magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo u dhexeeya beelo ka mid ah Jeer-weyne iyo Baadicade ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo iyo barakac baahan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa qaadin wax tallaabo ah oo lagu joojinayo dagaalkan foosha xun, marka laga reebo cambaarayn.

Dagaal beeleedka Jalalaqsi wuxuu sababay in arday maanta geli lahayd imtixaanka shahaadiga ee Dowladda Federaalka ay ka baaqdaan imtixaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ku soo badanayay dagaal beeleedyo fool xun oo sababay dad, duunyo iyo guryo la gubay oo lagu baahiyay baraha bulshada.

PUNTLAND POST