
Puntland ayaa adkaysay ammaanka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso, iyada oo ciidamo dheeraad ah lagu xoojiyay baraha kantaroolada iyo goobaha laga soo galo magaalooyinkaas.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, xilli golaha wasiirada ay khamiistii hay’adaha ammaanka ku amreen in aysan deegaannada Puntland isaga gudbi karin ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale ciidanka ka amar qaata dowladda federaalka ee ku sugan deegaannada Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diyaargarow ka waday magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso.
Gen. Jimcaale iyo saraakiil kale oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qorsheynaya in ay maalmaha soo socda soo gaaraan deegaannada Puntland, kuwaas oo wararku sheegayaan in ay wadaan saanad ciidan oo u socota ciidamada federaalka ee ku sugan Puntland.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Gen. Jimcaale Jaamac Takar u magacowday Taliska Qaybta 54-aad ee Garoowe, kaas oo la qorsheeyey in ay hoostagaan ciidanka federaalka ka amar qaata ee ku sugan gobollada Puntland.
PUNTLAND POST