
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan NISA.
Mahad Salaad ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maalmaha soo socda safar ku imanaya magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Mahad Salaad oo ka haray tartanka Galmudug ayaa doonaya in ay wada xaajood ku saabsan doorashada maamulkaad la galaan madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo isaga weli doonaya in uu ka qaybgalo doorashada soo aadan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Galmudug u wadata Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo ka tartamaya ururka JSP ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST