
Odayaal dhaqan oo ka jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta maxaabiis u kala wareejiyay maamullada Somaliland iyo Waqooyi Bari.
Odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye Garaad Wiil-Waal ayaa Somaliland iyo Waqooyi Bari u kala wareegiyay 13 maxbuus oo aan dagaal lagu qaban, balse ahaa dad xoolo-dhaqato ah iyo dad si khaldan u galay gacanta labada dhinac.
Maxaabiistan ayaa 7 ka mid ah ay ku xirnayd magaalada Hargeysa, halka 6-ta kalana ku xirnayd magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.
Labada maamul ee Somaliland iyo Waqooyi Bari ayaa midkooda wax war ah ka soo saarin maxaabiistan ay kala wareejiyeen isimada Dowlad Deegaanka Soomaalida.
PUNTLAND POST