
Puntland ayaa mamnuucday in ciidan iyo gaadiid ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ku sugnaan karin isagana gudbi karin deegaannadeeda.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland aysan qeyb ka ahayn ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ilaa heshiis laga gaarayo dhammaan qodobada ay isku hayaan Puntland iyo Federaalka.
Golaha Wasiirrada waxay fareen dhammaan hay’adaha amniga Puntland in aysan deegaannada Puntland ku sugnaan karin isaga gudbi karin ciidan iyo gaadiid ka baxsan kuwa Puntland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho u magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad ee Garoowe.
Qaybta 54-aad ayaa la sheegay in ay hoostagayaan ciidanka Federaalka ka amar qaata ee ku sugan gobollada Puntland, waxaana shalay la arkayay ciidamo laga soo qoray degmada Galdogob oo soo gaaray Gaalkacyo.

PUNTLAND POST