Roobab khasaare gaystay oo ka da’ay gobolka Mudug

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay degmada Buursaalax ee gobolka Mudug ayaa sababay dhimashada nabadoon Cabdinaasir Axmed Maxamuud oo ka mid ahaa odayaasha deegaankaas.

Marxuumka ayaa maydkiisa laga helay meel xurfo ah oo ku taalla gudaha Buursaalax, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, iyaga oo intaas ku daray in marxuumku saaka u baxay salaada subax markaasna uu la kulmay daad xoogan oo qaaday kuna daray xurfada magaalada.

Dhanka kale magaalooyin iyo deegaanno badan oo ka tirsan Puntland ayaa xalay helay roobab qaarkood ay weheliyeen dabaylo.

Deegaano ka tirsan gobol Nugaal oo ay ka jirtay abaar ayaa ka mid ah deegaannada Puntland ee xalay helay roobab lagu diirsaday.

PUNTLAND POST