
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, gaar ahaan kuwa laga soo doorto gobolka Nugaal ayaa caawa kulan la yeeshay madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Kulanka oo ka dhacay guriga senator Faroole ee Garoowe ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland, sida uu sheegay xildhibaan Mukhtaar Kamiin oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradsan hoggaaminta Siciid Deni oo ka qaybgalay kulankaas.
Xildhibaan Mukhtaar wuxuu tilmaamay in Puntland ay ku socota meel halis ah, islamarkaana loo baahan yahay shir la isugu keeno waxgaradka, si loo xalliyo caqabadaha jira.
“Waxaan caawa hoygiisa ku booqanay madaxweyne hore senator Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, anaga oo ah xildhibaanada laga soo doorto gobolka Nugaal. Waxaan uga warbixinay xaaladda Puntland ku sugan tahay maanta iyo caqabadaha jira ee u baahan xalka” ayuu hadal qoraal ah ku yiri xildhibaan Mukhtaar.
“Caqabadahaas oo ay ugu waaweyn yihiin siyaasadda, dhaqaalaha, amaanka iyo sidii dib loogu heli lahaa himiladii iyo rajadii dawladnimo ee shacabka Puntland mudada dheer ku naaloonayeen, taasoo u muuqata in ay meel halisa ku sii siqayso hadaan laddaba qaban” ayuu raaciyay
Xildhibaan Mukhtaar wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyayay “waxaan isla garwaaqsanay in loo baahanyahay in la keeno dadkii ku soo tabcay dawladda Puntland ee maanta ay ku falaadayaan koox yar oo danley ah rabana in ay ku fushadaan danohooda siyaasadeed iyo dhaqaale”.
PUNTLAND POST