Ciidamo ka tirsan Puntland oo galay shil sababay dhimasho iyo dhaawac

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, saddex kalana waa ku dhaawacantay shil maanta ka dhacay agagaarka kantaroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe.

Labo gaari oo nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi-bilaha oo isku dhacay ayaa sababay shilka, kuwaas oo ka kala tirsanaa ciidanka Birmadka Booliska Puntland iyo urur Duufaan ee Daraawiishta Puntland.

Ciidamadan ayaa si wadajir ah howlgal ugu socday deegaanka Birta-dheer oo ka tirsan degmada Garoowe, halkaas oo la sheegay in ay isbaaro dhigteen askar ka tirsan Daraawiishta Puntland.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.

PUNTLAND POST