Madaxweyne Deni oo diiday in ay su’aalo weydiiyaan xildhibaanada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad dhinac badan taabanaysa ka jeediyay furintaanka kalfadhiga 58-aad ee Baarlamanka ayaa diiday in xildhibaanadu wax ka weydiiyaan khudbadiisa.

Madaxweynahaha ayaa markii uu dhammeeyay khudbada si degdeg ah uga baxay hoolka, isaga oo diiday in uu ka jawaabo su’aalo uu isku dayay in uu weydiiyo xidhibaan Geele Caseyr oo ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo u jawaabay xidhibaanka ayaa sheegay in aysan maanta jirin su’aalo weydiin.

Xildhibaan Geelle Caseyr oo kaddib warbaahinta kula hadlay bannaanka ayaa sheegay in uu saluugsanaa khudbada madaxweynaha, islamarkaana uu rabay in uu wax ka weydiiyo qodobo ka mid ah.

Kalfadhigii 45-aad ee sanadkii 2019 ayaa lagu xusuustaa su’aal ka timid xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii xilligaas oo madaxweyne Deni si carro leh uga jawaabay.

PUNTLAND POST