Jubaland oo soo bandhigtay ciidan iyo hub

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo bandhigay ciidamo iyo hub, isaga oo tababar u soo xiray ciidan gaar ah oo loogu magac-daray Duufaan, kuwaas oo ka tirsan daraawiishta maamulkaas.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ciidankan yihiin kuwa si gaar ah loo tababaray oo loogu talagalay in ay maalmaha soo socda la wareegaan deegaannada ka tirsan Jubaland ee gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu ku bogaadiyey ciidamada dadaalka ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo ku dhiirrigeliyey inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, islamarkaana ay door muuqata ka la dagaalanka argagixisada iyo sugidda amniga deegaannada Jubaland.

PUNTLAND POST